Wound wrap

Fahamka baaxadda Gubashadaada

Dhaawacyada gubashada waxaa sababa dab ama olol, dareere kulul ama uumi, taabashada shay kulul ama walax sida dufan ama daamur, kiimikooyin, ama koronto. Marka ay qiimeynayaan dhaawaca gubashada, dhakhaatiirtu waxay eegaan laba arrimood: sida ay u qoto dheer tahay gubashadu iyo cabbirka gubashada oo lagu qiyaaso boqolkiiba wadarta guud ee jirka (% TBSA).Qoto-dheerida gubashadu waxay ku xiran tahay sida uu u kululaa waxa lagu gubtay iyo muddada ay goobta gubatay la xiriirtay waxa gubay iyo sida uu u dhumuc weyn yahay maqaarka aagga gubtay. Waxaa jira saddex heer oo dhaawaca gubashada:

  • Darajada koowaad ee gubashada waxay saameysaa lakabka ugu sarreeya ee maqaarka oo loo yaqaano “epidermis” (ep-i-DUR-mis). Gubashooyinkani waxay keenaan dhaawac fudud oo maqaarka ku dhaca. Maqaarku waxa uu noqon karaa casaan iyo mid jilicsan ama bararan. Tusaale ahaan waxay noqon kartaa gubasho qoraxeed fudud oo isu bedela guduud oo laga yaabo in diirku ka qaadmo. Gubashada heerka koowaad guud ahaan waxaa lagu daweyn karaa guriga.
  • Gubashada heerka labaad (sidoo kale loo yaqaan gubida dhumucda qayb ka mid ah) waxay maraan lakabka labaad ee maqaarka, oo loo yaqaan dermis (DUR-mis). Gubashadani waxay sababtaa xanuun, casaan, iyo finan waxayna badanaa keenaan xanuun. Dhaawaca ayaa laga yaabaa inuu soo baxo ama dhiig baxo. Badanaa waxay ku bogsadaan 1 ilaa 3 toddobaad gudahood. Ka dib bogsashada, maqaarka ayaa laga yaabaa in midabku ka tago. Gubashooyinkani guud ahaan kama tagaan nabro soo sara kacay. Daaweynta gubashada heerka labaad way kala duwan tahay. Waxa ku jiri kara boomaato ama dhaymo gaar ah. Qalliin ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan u noqoto gubashada heerka labaad ee aadka u qotoda dheer ama kuwa ka gaabiya inay bogsadaan.
  • Darajada saddexaad iyo gubashada ka sii daran (sidoo kale loo yaqaan gubasho dhumucdeedu dhan tahay) waxay dhaawacdaa labada lakab ee maqaarka waxayna sidoo kale dhaawici kartaa lafaha hoose, murqaha, iyo seedaha. Maqaarka dhaawacmay wuxuu isu rogi karaa caddaan, madow, iyo/ama cawl. Maqaarku wuxuu dareemi karaa qallayl iyo qallafsanaan. Mararka qaarkood xanuun ma jiro sababtoo ah dareemaha dareemayaasha ee maqaarka hoostiisa ayaa burburay. Gubashada heerka saddexaad waxay leeyihiin khatar sare oo caabuq ah. Sida caadiga ah waxaa lagu daweeyaa maqaar ku-talaalid. Qalliinkan oo lagu sameeyay suuxdin guud, ayaa meesha ka saaraysa maqaarka dhaawacan oo lagu beddelay maqaar caafimaad qaba oo ka soo baxay meel jidhka ka mid ah oo aan dhaawacmin. Gubashada dhumucda buuxda ee aan la tallaalin waxay qaadan kartaa bilo ama xitaa sannado inay bogsato. Gubashada heerka saddexaad waxay u badan tahay inay ka tagaan nabarro kor u kacay. Dadka gubtay ee ka badbaadaa waxay lahaan karaan isku darka gubashada darajada koowaad, labaad iyo darajada saddexaad. La hadal bixiyeyaashaada daryeelka caafimaadka si aad si fiican u fahamto dhaawacyadaada gaarka ah.

Doorashooyinka Daawaynta ee Dhaawaca Gubashada

Daryeelka Dhaawaca

Antibiyootig boomaato ama kiriim ah ayaa inta badan loo isticmaalaa si looga hortago ama loo daweeyo caabuqyada bukaanka qaba gubashada heerka labaad. Isticmaalka boomaatadan waxay u baahan kartaa isticmaalka faashado. Fashadaha waxa laga yaabaa in loo baahdo in la beddelo maalin kasta. Tani waxay noqon kartaa geedi socod xanuun badan. Takhtarkaagu wuxuu kaa caawin karaa iskudubaridka isbeddelka dhaymada ee daawaynta xanuunka. Faashadaha waxaa lagu qooyn karaa biyo ku jira saxan ama qubeyska. Maqaarka iyo nabarka gubtay waa in si tartiib ah loogu dhaqaa saabuun khafiif ah oo si fiican loo raaciyaa biyaha tuubada. Isticmaal maro jilicsan oo nadiif ah ama faashad si aad si tartiib ah uga soo saarto daawooyinka duugga ah. Qadar yar oo dhiig ah ayaa caan ku ah isbeddellada dhaymada. Dhakhtarkaaga ayaa go'aamin doona dhaymada iyo boomaatada ku habboon. Tani waxay ku salaysnaan doontaa meesha gubatay, baahida loo qabo in la xakameeyo dheecaanada dareeraya, iyo raaxadaada.

Waxaa jira waxyaaba badan oo ka mid ah "alaabta daryeelka dhaawaca oo horumarsan" oo loo heli karo gubashada. Alaabooyinkani uma baahna ka bedelid dhaymada oo maalin walba ah, waxaana lagu dayn karaa meesha ilaa uu dhaawacu ka bogsado. Tani waxay ka dhigi kartaa xakamaynta xanuunka mid aad u sahlan waxaana laga yaabaa inay yarayso walaaca ku saabsan daryeelka nabarada. Noocyadan dhaymada ah waxaa ka mid ah faashado uur leh (impregnated), xumbo, malab, iyo dhaymo qalin ah. Qaar badan oo ka mid ah dhaymada hadda la heli karo waa isku-darka qaybahan. Waxaa jira magacyo badan oo kala duwan. Kooxda daryeelkaaga gubashada ayaa go'aamin doona waxa ugu haboon ee la isticmaalayo. Waxay kaloo go’aamin doonaan goorta dhaymada la saaraayo iyo goorta laga furaayo.

Maqaar Ku-talaalid (Skin Grafts)

Gubashada geerka saddexaad ee meelaha waaweyn (dhumucdiisuna buuxdo) waxaa lagu daaweeyaa iyadoo lagu talaalayo maqaaro. Qaliinkan waxa uu meesha ka saarayaa maqaarka dhintay oo lagu beddelayaa maqaar caafimaad qaba oo ka soo baxay qayb kale oo jidhka ah. Maqaarka la tallaalay waxaa badanaa lagu daaweeyaa boomaato antibiyootik ah iyo dhaymo aan dhegdheg lahayn. Waxaa jira saddex nooc oo maqaarka loo tallaalo.

Meesha deeq-bixiyuhu ama meesha maqaarka cusub laga soo jaray waxay la mid tahay gubashada heerka labaad. Inta badan bixiyeyaasha gubashadu waxay isticmaalaan mid ka mid ah dhaymada dhaawaca ee horumarsan kaas oo loo dayn karo 7-14 maalmood inta ay bogsashadu dhacayso. Meel kasta oo yar oo furan oo ku taala goobta ku-deeqaha waxaa lagu daweyn karaa boomaato antibiyootiga. Ogeysii dhakhtarkaaga gubashada meel kasta oo guduudata, diiranta, iyo xanuunka oo sii kordhay. Kuwani waxay noqon karaan calaamadaha caabuqa.

  • Maqaar-ku-tallaalka xaashida (sheet grafts) waxaa sida caadiga ah lagu sameeyaa wejiga ama gacmaha si ay saameyn ugu yeelato qurxinta. xaashi maqaar-ku-tallaalidda waxa la isticmaalaa maqaarka oo dhan iyada oo aan lahayn daloollo. Waxay ku siinaysaa muuqaal qurux badan laakiin waxay u baahan tahay maqaar badan si loo daboolo meel gaar ah. Maqaar-ku-tallaalka dhowaan bogsaday aad bay u jilicsan yihiin. Waa in taxadar gaar ah la sameeyaa si loo ilaaliyo. Ka taxadar inaadan meel ku dhufato, marmarto, ama xoqdid. Ha xidhan dhar qallafsan ama wax kasta oo xoqi kara; tani waxay keeni kartaa barar ama finan biyo leh.
  • Ku-tallaalida maqaarka ee “meshed” ayaa loo isticmaalaa boogaha waaweyn. Si loo daboolo dhaawaca si joogto ah, qayb ka mid ah maqaarkaaga ayaa laga soo qaadayaa qayb kale oo jirka ah (maqaarka deeq bixiyaha) si loo xiro aagga furan. Marka maqaarka deeq-bixiyaha laga saaro jidhka, wuu yaraadaa. Si loo kala bixiyo maqaarka deeq-bixiyaha, waxa la dhex mariyaa mishiin u samaysa godad yar yar maqaarka. Maqaarkan fidsan waxa uu daboolaa meel ka weyn inta ay daboolaan maqaaar kutalaalada aan ahayn “meshed” ama shabakaysnayn, laakiin waxa uu ka tagayaa qaab “mesh” joogto ah oo la mid ah sharabaadyada dhaadheer ee dumarka (stockings). Nabarku wuu bogsanayaa marka meelaha u dhexeeya "meshed graft"-ka iyo godadka dhexdooda ay ka buuxsamaan maqaar cusub. Mar alla markii xaashida mesh-ku ku dhegto maqaarka oo dheecanada iyo biyaha ka soo baxayaa istaagaan, nabarka ayaa loo tixgelinayaa inuu bogsaday waxaana looga tagi karaa meel bannaan oo hawada ah. Looshan ayaa la isticmaali karaa si loogu lagu ilaaliyo qoyaanka.
  • Maqaar-ku-tallaalka dhumucda buuxda (Full-thickness grafts ) ayaa loo isticmaalaa dib u dhiska meelaha yaryar ee u nugul in ay is-qabsadaan sida gacanta ama garka. Waxay ka kooban tahay dhumucda maqaarka oo dhan waxayna isku soo ururtaa wax aad u yar marka la barbar dhigo maqaar-ku-tallaalada kale.

Qoynta (Moisturizing)

Qoyaanka ayaa noqon doona mid aad muhiim u ah dhaawaca gubashada ka dib.

  • Marka maqaarku xirmo oo uusan sii deyneyn wax dheecaana, waxaa muhiim ah in si fiican loo qooyo. Tani waxay yaraynaysaa fursadaha maqaarku ku yeelan karo finan ama jeexjeex. Waxay kaloo hoos u dhigtaa cuncunka waxayna ka dhigi kartaa dhaqdhaqaaqa mid sahlan.
  • Waxaa jira kiriimo badan oo kala duwan oo la heli karo.
  • Kareemada ama looshanada dhalada ku jira waxay leeyihiin biyo badan. Sidoo kale way fududahay in la isticmaalo. Waxay inta badan u baahan yihiin in si joogto loogu celceliyo oo loo mariyo.
  • Kareemada ama looshanada tuubooyinka iyo caagadaha ku jiraa waa dhumuc weyn yihiin. Waxay u baahan yihiin in si fiican loogu duugo. Waxay ku raagaan maqaarkaaga waqti dheer.
  • Kareem aan udgoon lahayn waa in la mariyaa oo lagu duugaa nabarrada ama haaraha dhowr jeer maalintii. Kareemka aan urta lahayn waa muhiim - weydii dhakhtarkaaga talooyin.
  • Markaad marineyso kareemku waa wakhti ugu fiican oo aad taabato nabarradaada adigoo isticmaalaya cadaadis khafiif ah; taabashada nabarradaada waxay kaa caawinaysaa inay ka ilaaliso inay xasaasi noqdaan. Sidoo kale waa wakhti ku habboon in la sameeyo iskala bixin yar. Xaashidan-xaqiiqadu waxay haysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan iskala bixinta: http://www.msktc.org/burn/factsheets/Exercise-After-Burn-Injury.

Finan biyo galaan (Blisters)

  • Maqaarka cusub ee bogsadey waa jilicsan yahay. xiirid yar ama maqaar ka qaadis yar (xoog ku xoqidda) ee nabarku waxay keeni kartaa meelo nabarro ah ama finan biyo galaan. Nabarrada waxa kale oo keeni kara dharka aadka kuugu dhejisan, maqaarka ayay xiiri karaan marka cadaadis lagu gashanaayo, ama daliigida ama xoqidda nabarka gubashada.
  • Finanka biyuhu galeen markaad aragtoba waa in la dalooliyaa oo biyaha laga soo daayaa. Isticmaal irbad nadiif ah (sterile) si aad u samayso dalool yar. Ka dibna biyaha finka soo daadi adiga oo dul marinaaya faashad. In yar oo boomaato antibiyootiga ah meesha saar.
  • Haddii finanku furmaan, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad faashad ku xidho dhaymo aan dhegdheg lahayn. Ha isticmaalin faashado ku dhegaaya ama bandheej dhejis ah ama sharooto ay adag tahay in la iska qaado ama la iska furo. Maqaarkaagu wuu dillaaci karaa.
  • Qoyaanka ama dhaashiga badani gaar ahaan wajiga waxay xiri kartaa daloollada waxayna sababi kartaa finan yaryar. Haddii tani dhacdo, iska yaree qoyaanka oo la tasho dhakhtarkaaga ama kooxda gubashada.

Maqaar Jeexmid (Skin Tears)

  • Maqaar jeexmidu waxay dhacdaa marka aad shay ku dhacdo sida albaabka, miiska korkiisa, ama gabal alaabta guriga ah. Waxa kale oo sababi ama keeni kara xoqid.
  • Haddii aaggu dhiig baxaayo, cadaadis adag saar nabarka ilaa 5 daqiiqo ilaa uu dhiiggu joogsado.
  • Meesha si tartiib ah oo nadiif ah ugu dhaq saabuun iyo biyo khafiif ah.
  • Isticmaal qadar yar oo boomaato antibiyootig ah iyo dhaymo aan dheg lahayn una ogolow nabarku inuu bogsado. Haddii aagga ku hareeraysan uu casaan noqdo oo diirimaad yeesho, waxaa laga yaabaa inaad yeelatay caabuq. La xidhiidh bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga qiimayn dheeraad ah si loo sameeyo.
  • Haddii nabarku sii dillaaco, sii weynaado, ama sii qoto dheeraado, bixiyaha daryeelka caafimaadkaagu wuxuu kugula talin karaa in faashada kabida la saaro ama kab. Tani waxay aagga dhaawaca ka ilaalin doontaa dhaqdhaqaaqa.

Boogaha (Ulcerations)

  • Boogaha waa burbur ama dildilaac maqaarka ku dhaca. Waxay badanaa ku dhacaan xirmooyinka nabarrada nudaha ee garabkaaga, xagga hore ee suxulka, iyo jilibkaaga xaggisa dambe.
  • Meelahani waxay noqon karaan kuwo ay adagtahay in ay bogsadaan. Dhaqdhaqaaqa jireed sida jimicsiga ayaa sababi kara in nabarku si joogto ah u dildilaaco ama uu u weynaado.
  • Nabarka ku dabool waxyar oo khafiif ah oo boomaato antibiyootik ah. Maqaarka ku hareeraysan si fiican ha u qoyanaadeen oo mari kariimo, gaar ahaan marka aad jimicsi samaynayso oo aad kala bixinayso.

Dareen-celinta maqaarka ee xasaasiyadda (allerjiga)

  • Hubi inaad u sheegto dhakhtarkaaga haddii aad leedahay xasaasiyad maqaarka ah.
  • Dareen-celinta maqaarka ee xasaasiyadda waxaa sababi kara isticmaalka boomaatada antibiyootiga oo muddo dheer la isticmaalo. Sababaha kale waxaa ka mid ah beddelka nooca looshanka ama saabuunta aad isticmaashid, beddelidda saabuunta dharka, ama beddelidda laastikada dharka cadaadiska.
  • Haddii aad fal-celin maqaarka ah leedahay, jooji isticmaalka dhammaan saabuunta, looshanka, iyo boomaatada 2 ilaa 3 maalmood.
  • Marka falcelintu kaa tagto, waxaad bilaabi kartaa isticmaalka saabuunta iyo jidh-qooyayaasha (looshanada) mar kale. Alaabooyinkan ku soo celi hawl maalmeedkaaga midba mar.
  • Oggolow 2 ilaa 3 maalmood inta u dhaxaysa ku darista mid kasta oo aad ku soo celiso hawl maalmeedkaaga. Tani waxay ogolaan doontaa wakhti si loo eego haddii falcelintu soo noqoto.

Maxaad sameyn kartaa?

  • Noqo mid firfircoon xilliga soo kabashadaada. Weydii su'aalo kaa caawinaya go'aan gaarisa daryeelkaada.
  • Ballamahaaga caafimaad u sii qaado liiska su'aalaha ama walaacyada aah qabto si uu bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga wax uga qabto.
  • Raac tilmaamaha daryeelka dhaawaca ee bixiyahaaga.
  • Mar walba maqaarkaaga ha ahaado mid nadiif ah oo si fiican u qoyan ama dhaashan.
  • Iska ilaali kufidda ama inaad meel ku dhacdo, xoqidda ama jeexida.
  • Bilow jimicsiga sida ugu dhakhsaha badan. Tixraac xaashidan-xaqiiqda si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan jimicsiga gubashadaada ka dib: http://www.msktc.org/burn/factsheets/Exercise-After-Burn-Injury

Ilo aad ka heli karto warbixino Dheeraad ah

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka nabarradaada, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga ama daaweeyahaaga si ay wax uga qabtaan baahiyahaaga gaarka ah.

Johnson, R.M., and Richard, R. (2003). "Partial-Thickness Burns: Identification and Management." Advances in Skin Wound Care, 16 (4), 178-287.

Kowalske, K. (2011). "Burn Wound Care." Physical Medicine & Rehabilitation Clinics of North America, 22, 213-227.

Honari, S. (2004). “Topical Therapies and Antimicrobials in the Management of Burn Wounds." Critical Care Nursing Clinics of North America, 16 (1), 1-11.

Qoraaga

Daryeelka Nabarada Dhaawaca Gubashada ka dib waxaa soo saaray Karen J. Kowalske, MD, Sandra Hall, PT, DPT., Radha Holavanahalli, PhD, iyo Lynne Friedlander, M.Ed, iyadoo lala kaashanayo Xarunta Turjumaada Aqoonta ee Model Systems (the Model Systems Knowledge Translation Center).

Xigasho: Macluumaadkayaga caafimaadku waxay ku salaysan yihiin caddayn cilmi-baaris iyo/ama is-afgarad xirfadeed waxaana dib u eegay oo ansixiyay koox tafatirayaal ah oo khubaro ah oo ka socda Nidaamyada Qaababka Dhaawaca Gubashada (the Burn Injury Model Systems).

Afeef: Macluumaadkan looguma talagelin in lagu beddelo talada xirfadle caafimaad. Waa inaad kala tashataa bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga wixii ku saabsan walaacyo caafimaad oo gaar ah ama daawaynta. Nuxurka xaashidan-xaqiiqda waxaa lagu soo saaray deeq ka timid Machadka Qaranka ee Naafanimada, Nolol Madaxbanaan, iyo Cilmi-baarista Dhaqancelinta (National Institute on Disability, Independent Living, and Rehabilitation Research (NIDILRR lambarka deeqda 90DP0082)). Waxa ku jira xaashidan ma aha in ay matasho siyaasadda Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, mana aha in aad u qaadato in ay dawladda Federaalka ku ayiday ama ansixisay.

Turjumaada xaashidan xaqiiqda waxaa qayb ahaan taageeray NIDILRR (Machadka Qaranka ee Naafanimada, Nolol Madaxbanaan, iyo Cilmi Baadhista Dhaqancelinta) (lambarka deeqda 90DPKT0009).

Xuquuqda daabacaadda © 2017 (Copyright © 2017) Xarunta Turjumaada Aqoonta ee Model Systems(MSKTC). Waa la soo saari karaa oo loo qaybin karaa si xor ah iyadoo loo eegayo sifo ku habboon. Ogolaansho hore waa in la helaa si loogu daro agabka lacagaha ku salaysan.